Dagaal maanta duleedka Jowhar ku dhex maray Al Shabaab iyo dadka deegaanka

Lix ruux ayaa ku geeriyootay kadib marki ay Al Shabaabka Magaalada Jowhar weerareen deegaanada Shamiindo iyo Baloog oo qiyaastii 10-km dhanka bari kaga beegan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goob joogayaal qariyey magacooda sababo xaga amniga ah, iska hor imaad ayaa ka dhacay deegaanadaasi kaasi oo dhexmaray dadka deegaanka iyo maleeshiyaad ka tirsan Shabaab oo uu hogaaminayey gudoomiyaha Gobolka Sh/dhexe Yusuf Cise Kaba Kutukade.

Dadka dhintay ayaa afar ka mid ah waxa ay ahaayeen dhalinyaro kasoo jeeda deegaanada Shamiindo iyo Baloog, halka labada kalana lagu sheegay maleeshiyaadka Al Shabaab ee weerarka qaaday.

Dagaalka ayaa daba socda iska hor imaadyo labadi maalin ee lasoo dhaafay ka dhacay deegaanada Buula Banaan iyo Geeda Barkaan oo ka mid ah tuulooyinka hoos yimaada magaalada Jowhar halkaas oo mudo bilooyin ah isku colaadinayeen laba beelood oo deris ah.

Laakin odayaasha iyo wax garadka kasoo jeeda deegaanada bari ee magaalada Jowhar ayaa sheegay in ay la yaabeen weerarka ay Shabaab ku qaadeen deegaanada Baloog iyo Shamiindo xilli ay ka sugayeen in ay dhex dhexaadiyaan beelaha uu dagaalka u dhaxeeyey.

Sida ay wararku sheegayaan Al Shabaab ayaa qabsaday deegaanada ay maanta weerareen iyadoo ay ka barakaceen dadki ku noolaa, sidoo kale waxay soo xir xireen waxgarad iyo odayaal kasoo jeedo deegaanadaasi.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay gudoomiyaha gobolka Sh/dhexe ee Al Shabaab, Yusuf Kaba Kutukade oo hogaaminayey dagaalki ka dhacay duleedka bari ee Jowhar, hase yeeshee ma ahan marki ugu horeysay oo ay Al Shabaab weerar ku qaadaan deegaanada hoos yimaada magaalada Jowhar.

Bishi Febraury ee sanadkaan ayey sidaan oo kale weerar ugu qaadeen tuulada Muryaale oo ka mid ah deegaanada dhanka koonfureed ee magaalada Jowhar gaar ahaan kuwa cuksan jiinka wabiga.