Dagaal Maalintii 2aad Ka Socda Deefoow

DSC00019-300x225Dagaal ayaa maalintii Labaad waxa uu ka soconayaa Tuulooyin hoostaga Deegaanka Deefoow Ee Duleedka Magaalada Beled-weyne.

Dagaalka Saaka mar kale ka soconaya Deefoow iyo Hareeraheeda lama oga khasaaraha ka dhashay waxaase la tilmaamayaa in hubka cul culus iyo midka fudud intuba la isku adeegsanayo.

Labada Maleeshiyo Beeleed ee dagaalka udhaxeeyo ayaa waxay kala helayaan Gurmadyo soo kala gaaraya taasi oo laga cabsi qabo inuu dagaalka sii baaho.

Shalay Dagaalkii dhacay waxa ku dhintay kudhawaad 30 Ruux iyadoo tiro intaa kabadana ku dhaawacmeen waxaana sidoo kale jira in Dhowr guri la gubay Tuulada Xudu Wagle oo Deefoow iyo Abaaleey udhaxeysa.

Faah faahino wixii kasoo kordho Dagaalka ka socda Deefoow dib kala Socda insha allah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here