Dagaal ku dhex maray duleedka Buuhoodle ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka

Ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa deegaanka ayaa waxaa dagaal uu ku dhex maray meel u jirta illaa soddon km degmada Buuhoodle.

Dagaal ayaa la sheegay in uu geystey qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn qasaaraha uu geystey dagaalkan.

Sida ay wararku sheegayaan labo ruux ayaa ku dhimatay laba kalana waa ay ku dhaawacmeen dagaalkan ka dhacay deegaan ka tirsan degmada Buuhoodle. Wararka ka imanaya degmada Buuhoodle ayaa sheegaya in dagaalkan uu ahaa mid ay soo qaadeen ciidamada Somaliland balse uu markii dabe istaagay.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dagaalkan oo ka soo saareen labada dhinac ee dagaalantay. Toddobaadkii aynu soo dhaafnay ayaa dagaal waxa uu ku dhex maray degmada Buuhoodle ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaameed.

Maamulka la magac baxay Somaliland ayaa diidan maamul la magac baxay Khaatumo State oo dhowaan loogaga dhowaaqay gobolada Sool iyo Sanaag.

2 COMMENTS

  1. Maamulka goboleedka la magac baxay Somaliland markii ay la soo baxeen calan cusub oo ku dhawaaqeen in ay ka go’een Soomaali isla markaana ku dhawaaqeen in ay dowlad yihiin cid ku soo duushay ma jirin hargaysa iyo berbera iyo burco maxay duulaanka uga soo qaadeen khaatumo state Soomaliyey bal gardaradaas fiiriya. waxaan hambalyo u soo jeedinayaa Khaatumo state waxaan idin leeyahay halganka sii wada xaq baa u leedihiin in aad dhulkiina difaacataan Viva Somaliwayn.

  2. waxaan kasoo horjeedaa duulaanka ayku hayaan Somaliland shacabka Soomaaliyeed gaar ahaana gobolada sool,dagmada Buuhoodle iyo intii lamid ah waxaan leeyahay waa gardaro cad oo aan geed loogu soo gaban.by adan.born in qararooyin.

Comments are closed.