Dagaal ku dhex maray duleedka Baydhabo ciidamada dowlada iyo kuwa Alshabaab

Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in dagaal qasaare geystey uu ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo kadib markii ay ciidamo ka tirsan Alshabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisin milatari.

Weerarkan oo lala beegsaday saldhig Milatari oo ku ku dhow garoonka dayuuradaha ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa la sheegay in la isu adeegsaday hubka fudfudud iyo kuwo culusba.

Weerarkan ayaa sida dadka ku nool magaalada Baydhabo ay sheegayaan waxaa ku dhintey illaa lix ruux oo ahaa dhinacyadii dagaalamayay.

Sarkaal u hadlay maamulka magaalada Baydhabo  ayaa waxa uu sheegay in ay dib u celiyeen weerarkii lagu soo qaaday ayna u geysteen xoogagii weerarka soo qaaday qasaare xoogan. Hase yeeshee mar jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay ururka Alshabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here