Dagaal kaqarxay magaalada Baardheere

Dagaal udhaxeeya ciidamada Doowlada KMG oo ay taageerayaan ciidamada Kenya iyo kuwa Al-shabaab ayaa waxa uu goordhow kaqarxay magaalada Baardheere kana tirsan kutaala gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa waxa uu kaqarxay meel udhow magaalada Baardheere iyo Kulbiyow halkaaso xaruumo u ahayd dagaalyahanada Al-shabaab,waxaa jirto dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac balse lama sheegin tirada rasmiga ah ee qasaaraha labada dhinac.

Sida ay sheegayaan goob joogayaal kusugan meesha uu dagaalka kasocdo,dagaalka ayaa bilaawday kadib markii ay dagaalyahano katirsan Al-shabaab meel Kamiin ah u galeen kolonyo ciidamada Kenya iyo kuwa Doowlada ah oo marayay deegaanka Kulbiyoow,waxayna kusoo wajahnaayeen magaalada Baardheere.

Dagaalka ayaa waxa uu socdaa mudo saacado ah iyadoo dhawaqa madaafiicda cul culus ay labada dhinac isku adeegsanayaan laga maqlayo gudaha magaalada Baardheere.

Sarkaal katirsan ciidamada doowlada KMG oo wareysi siiyay warbaahinta waxay sheegeen in koox katirsan al-shabaab ay meel wado ah ugaleen kolonyo katirsan ciidamada Kenya iyo kuwa doowlada,waxa uuna sheegay sarkaalkan ineey ka guuleeysteen oo ay eryadaan kooxdi wadada ugashay balse ma uu sheegin qasaaraha soogaaray inta uu la’egyahay.

Al-shabaab ayaa tan iyo markii laga saaray meelo ay kamdi tahay Muqdisho,Baydhabo,B/weyne,Afgoyye,Balcad waxa ay dagaalkooda ubadaleen jidgaloow iyo weeraro ku dhufo oo akdhaqaaq ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here