Dagaal kadhacay Gobolka Hiiraan oo 7 qof ay ku dhinteen

dagaal-deg-deg1

Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa waxa la sheegayaa in Dagaal uu halkaasi ku dhexmaray ciidanka Al Shabaab iyo kuwa Dawlada Soomaaliya.

Dagaalka oo dhacay markii weerar gaadmo ah Al Shabaab ku qaadeen Kollonyo baabuur ah oo Raashin mucaawimo ah usiday Shacabka ku dhaqan Tuulada War dagaal oo 24KM ujirta B/weyne.

Dagaalka ayaa la sheegayaa in la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan waxaana la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray dhinacyada dagaalamay.

Sargaal katirsan Ciidanka Dawlada ee dagaalkaasi ka qeyb galay ayaa waxa uu sheegay inay dileen 7 Askari oo katirsanaa Al Shabaabkii weerarka soo qaaday inkastoo weli wax war ah kasoo bixin Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here