Wararka saakay naga soo gaaraya gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii ugu danbeeyay uu halkaas dagaal aad uxoogan ku dhexmaray Al-shabaab iyo ciidamada huwanta gar ahaan deegaanka lagu magacaabo “Garsaale” oo qiyaastii 10km ujira xaruunta gobolkaas ee Jowhar.
Dagaalka ayaa dilaacay kadib markii ay dagaalyahano katirsan Al-shabaab weerar kahortag ah ku sameeyeen ciidamada huwanta uu kusii jeeday magaalada Jowhar.
Saraakiil uhadashay ciidamada doowlada ayaa sheegtay in ay dagaalka ku dileen 13 katirsan Al-shabaab, laakiin majirto wax war ahoo kasoo baxay dhinaca Al-shabaab iyo ilo ka madax banaanba.
Dadka ku dhaqan magaalada Jowhar oo qaarkood lahadlay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in saakay magaalada laga dareemayo xiisad kacsanan ah iyadoona Al-shabaabka ku sugan halkaas u diyaar garoobeen dagaal.
Sidoo kale dadka ku sugan deegaanada ku xeeran magaalada Jowhar ayaa sheegay ineey saakay waaberigii arkayeen dabaabaadka dagaalka AMISOM iyo ciidamo aad u farabadan oo kuwa doowlada katirsan kuna sii qul qulaya wadada gasha magaalada Jowhar.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.