Dagaal ka soconaya garoonka diyaaradaha Kismaayo

Wararka naga soo gaarayo magaalada Kismaayo ee xaruunta gobolka Jubada Hoose, ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeya Ciidamada doowlada, Raaskambooni, Ciidamada Kenya oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab uu ka soconayo garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Al-shabaab ayaa la sheegay, ineey weerar xoogan kusoo qaadeen garoonka diyaaradaha ee Kismaayo, saacadu markeey ahayd 10:00 barqanimo, dagaalkaasna ilaa iyo hadda uu soconayo.

Al-shabaab ayaa la sheegay in marka hore ay Hoobiyayaal kusoo garaaceen garoonka, waxana la sheegayaa ineey bur buriyeen gabi ahaanba Isbitaalkii ku yiilay gudaha garoonka, sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in Hoobiyayaasha ay bur buriyeen wadada ay diyaaradaha ku cararaan.

Dagaalka ayaa la sheegayaa in hada uu usii siqayo meel lagu magacaabo (Laheloow) oo ay shabaabku markii horaba weerarka kasoo qaadeen.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in diyaaradaha dagaalka ee qumaatiga u kaca islamarkaasna ay leeyihiin Ciidamada Kenya ay dagaalka ka qayb qaadanayaan.

Wixii warar ah ee kusoo kordhana waxaan idinkugu soo gudbin doonaa wararkeena soo socda insha Allaah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here