Dagaal ka Soconaya Deegaannka Husingow Ee Gobollka Jubbada hoose

Warar goor dhaw soo baxay ayaa sheegay in Dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowladda KMG ah oo garab ka helaaya kuwa Kenya ayaa saaka ka dhacay tuulooyin dhanka Bari kaga aadan deegaanka Hoosingow ee galbeedka gobolka Jubbada Hoose.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaallka, iyadoo horjoogayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab ay sheegeen in dagaalyahannadooda weerar ku qaadeen ciidamada isbaheysiga oo sida ay sheegeen ku soo jeeday dhinaca degmada Kismaayo.

‘’Dagaallku wali waa uu soconayaa,waa dagaal xoogan labada dhinacna waxaa ay ay is weydaarsanayaan hub noocayadiisa kala duwan ayeey sheegeen dad ku sugan deegaannada lagu dagaallamayo.

Saacadihii u dambeeyay ayaa waxaa ka jira deegaano ka tirsan Jubada Hoose, dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo abaabulo dagaal, iyadoo ciidamada xulufada ay qorsheynayeen inay la wareegaan magaalada Kismaayo.

Ciidamada dowladda ayaa isku dayaya in ah dhowr jiho dagaal uga furaan degmada Kismaayo, iyaga oo balan qaaday in ay saacadaha soo socda gudaha u gali doonaan degmad, hasse ahaatee dagaalyahannada Al-shabaab ayaa wada dhaq dhaqaaq ay arintaa uga hortagayaan.

Dhanka kale xaaladda magaalada Kismaayo ayaa kacsan waxaana laga dareemaayaa cabsi dagaal, dadka ayaa ka cabsi qaba dagaal ka qarxa magaalada oo uu khasaare kasoo gaaro.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here