Dagaal ka socda duleedka waqooyi ee Gaalkacyo

Dagaal sababay qasaaro xoog leh ayaa duhurnimadi maanta ka qarxay waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Dagaalka oo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo wada dega Gaalkacyo ayaa ka socdo meel u dhaw garoonka diyaaradaha halkaas oo si weyn loogaga maqlayo dhawaqa rasaasta.

Ugu yaraan 5 ruux ayaa ku dhimatay kuwaasi oo ah maleeshiyadi labada dhinac, iyadoo wararkuna ay sheegayaan in dagaalka uu salka ku hayo dhul balaaran oo ay wada sheeganayaan labada qabiil.

Ma jiro wax dadaal ah oo muuqda oo uu wado maamulka magaalada Gaalkacyo ee Puntland, waxaana xiisada dagaalka laga dareemayaa guud ahaan waqooyiga Gaalkacyo.

 
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.