Dagaal ka dhexeeya labada wiil ee xun

Dail Mail: mid ka mid ah ciyaaraha ugu adag horiyaalka Yurub 2012 ayaa waxa isku arki doona Wayne Rooney iyo Mario Balotelli.

Xidiga kooxda blue-ka ahna weeraryahanka Talyaaniga Balo, ayaa xifaaltan waxa uu kala dhexeya xidiga cad Rooney, kuwaas oo isku soo aaday xulalkooda koonka kooxaha Yurub.

Talyaaniga ayaa labo xul oo adag uu sugayaa waaEnglandiyoFrance. oo ka soo baxay Group D.

Wargeyska Gazzetta Dello waxa uu ciwaan uga dhigay war u soo qoray Roney hala qabto,

Jariirada La Repubblica waxa ay lee dahay kulanka dhexmaray axada  labada wiil ee xun waa kuwa ka dhigaya jawi kale ciyaarta.

Laakin habeenkii xaley  Balotelli waxa uu u digay xidiga ay isku wadanka yihiin ee Daniele De Rossi ay ayaamahan isku dhacsan yihiin.

Xidiga Manchester ayaa la filayaa in isaga xidiga Roma De Rossi labadooda la safo.

De Rossi, oo ah 28-jir ayaa yiri “haddii Balotelli uu doonayo 21-jirkan in uu soo barbaaro waan in uu bartaa sida loola tacaamulo dasdka iyo sida looga baxo xiliyada adag ee ku soo wajahay.