Dagaal ka Dhacay Matabaan iyo Khasaare ka Dhashay

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan galabta waxaa ka dhacay dagaal geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Iska hor imaadka ayaa sababay dhimashada hal ruux iyo dhaawac mid kale, waxaana uu yimi kadib markii uu degmada Matabaan galabta gaaray wafti ka socda maamulka Gal-Hiiraan State and Xarardheere State oo muddooyinkaan booqasho ku maaraayey deegaano katirsan Galguduud.

Wafdiga galabta gaaray degmada Matabaan ayaa waxaa hoggaaminaayey Madaxweynaha Gal-Hiiraan State iyo Xarardheere State C/qaadir Maxamed Bahdoon.

Markii ay wafdigu soo gaareen Matabaan ayaa waxaa soo dhoweeyey dadweynaha kala duwan ee magaalada ku dhaqan sida haweenka iyo dhalinyarada.

Markii ay gudaha usoo galeen magaalada ayaa waxaa rasaas kusoo furay Ciidamo katirsan kuwa Ahlusunna ee Matabaan kusugan, rasaastaasi ayaa keentay in ay u jawaabaan Ciidamadii wafdiga la socday, kadibna waxaa dhacay iska hormaad wakhti kooban socday.

Qofka geeriyooday ayaa ahayd haweenay, halka qof kale ee dhaawacmayna uu kamid yahay Ciidamada Ahlusunna ee Matabaan, xaaladda ayaa hadda kacsan, hase yeeshee waxaa socda dadaallo lagu dejinaayo xaaladda kacsan.

Wararka ayaa soo sheegaaya in masuuliyiin Ahlusunna ee degmada Matabaan ay kasoo hor jeedaan maamulka Gal-Hiiraan and Xarardheere State, sidaasina uu ku dhacay iska hor imaadka galabta.

C/qaadir Maxamed Bahdoon oo safar kusoo maray deegaanka Galajir ee gobolka Hiiraan ayaa maal mahii lasoo dhaafay waxa uu kusugnaa degmada Guriceel oo uu xafiis ka furtay maamulkiisa Gal-Hiiraan iyo Xarardheere State.

C/qaadir Maxamed Bahdoon ayaa muddadii uu ku sugnaa degmada Guriceel waxa uu kulamo la qaatay masuuliyiin katirsan Ahlusunna.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here