Dagaal ka dhacay maanta Duleedka Magaalada Beledweyne G/Hiiraan

dagaal-deg-deg1Ciidanka dawlada Soomaaliya ayaa waxay maanta udhaqaaqeen deegaano duleedka kaga beegan magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan halkaasi oo howlgalo ay ka sameeyeen.

Inta ciidanka howlgalka ku jireen waxay la kulmeen Arbushaad kaga timid ciidanka Al Shabaab waxaana halkaasi ku dhexmaray dagaal la isku adeegsaday Hubka kala duwan.

Deegaanada Luuq Jeeloow iyo Tuulooyin ku dhaw Degmada Buq Aqable ayeyna ciidanka ku dagaalamaeen.

Sargaal katirsan Meliteriga Soomaaliya oo kusugan Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen labo katirsan dagaalyahanada Ururka Al Shabaab isagoona sheegin khasaaro hadii dhankooda soo gaaray.

Deegaanada maanta ciidanka dawlada Howlgalka ka sameeyeen waxa ku xoogan Ururka Al Shabaab iyadoo Gudaha Degmada Buq aqable shalay Al Shabaab ku dileen labo ruux ay ku sheegeen jawaasiis la shaqeyneysau dawlada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here