Dagaal ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho.

Dagaalo culus ayaa xalay saqdi dhexe iyo saakay aroorti hore ka dhacay duleedyada xaafada Xada iyo Xerada Asluubta degmada Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho.

Dagaalada ayaa ka danbeeyey marki ay Al Shabaab weerar ku qaadeen fariisimaha ay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin Xoosh iyo Asluubta ee duleedka koonfureed ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha Gaaska Labaad ee ciidamada dowlada, C/laahi Cisman Cageey ayaa u sheegay warbaahinta in uusan wax qasaara ah kasoo gaarin ciidamada iyo dadka rayidka ah ee ku ag nool Xaafada Xoosh.

“Kooxihi wax tuur tuuri jiray ayey wax kasoo tuureen, cideey wax u geysteen ma jirin, anaga waxaan badinay aagageegnii, marka sadex meel ayey min shan qofood camal kusoo weerareen, nimankaan awood ma lahan, anaga aaga gaaska wuu balaaranyahay, hadii aan idiin sheegana gaaska wuxuu waajibkiisu yahay kasoo bilow Daayniile ilaa iyo Jasiira,”  ayuu yiri.

Weerarada noocaan oo kale ah ayaa aad ugu badan aagaga hore ee ciidamada dowlada ku leeyihiin duleedyada magaalada Muqdisho, waxaana Al Shabaab ay ku sheegaan dagaalo ay ku xanuunjinayaan ciidamada ajnabiga ah iyo kuwa dowlada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.