Dagaal ka dhacay duleedka Jowhar

Afar ruux ayaa ku geeriyootay kadib marki uu dagaal galabta ku dhexmaray deegaanka Booroow oo qiyaasti 18-km dhanka koonfureed kaga beegan Magaalada Jowhar Al Shabab iyo maleeshiyo beeleed.

Dagaalka ayaa ka danbeeyey marki ay Al Shabaab-ka Jowhar weerareen maleeshiyo taageersan Dowlada oo halkaasi dhaq dhaqaaq ka waday, waxaana wararku ay sheegayaan in dagaalka uu mudo socday.

Afarta ruux ee dhimatay ayaa kala ahaa dhinacyadi dagaalamay, waxaana la leeyahay waxaa sidoo kale jira dhaawac intaasi ka badan, iyadoo goobta lagu dagaalamay ay la wareegeen Al Shabab.

Dhanka kale ciidamo xoog leh oo ka socdo AMISOM ayaa xalay gaaray degmada Balcad kuwaasi oo ku qalabeysnaa Taangiyo iyo baabuurta Taawga loo yaqaano, waxaana tani ay kordhisay cabsida laga qabo in ay AMISOM iyo ciidamada Dowlada weeraraan magaalada Jowhar.

Jowhar ayaa waxaa gacanta ku haya Xarakada Al Shabab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here