Dagaal ka dhacay duleedka garoonka diyaaradaha Jowhar

Dagaalkan u dhaxeeya Ciidamada doowlada Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab, ayaa waxa uu ka dhacay duleedka garoonka diyaaradaha ee Jowhar .

Sida ay wararka halkaas naga soo gaaray xaqiijinayaan Al-shabaab ayaa la sheegay ineey halkaas ku qaadeen weerar, waxana lasheegayaa in Al-shabaab ay gudaha u galeen fariisinkii ay Ciidamada doowlada iyo kuwa AMISOM ku  lahaayeen halkaas.

Dagaalka oo mudo sacado ah qaatay, ayaa lasheegay in Ciidamada doowlada iyo kuwa AMISOM ay ku guuleysteen ineey dib u riixaan dagaalyahanada Al-shabaab ee weerarka soo qaaday.

Xaalada ayaa hada ah mid aad u dagan, waxana la sheegayaa in Ciidamada doowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay difaacyo cusub ooh or leh ka qodanayaan duleedka garoonka diyaaradaha Jowhar, si ay isaga caabiyaan weeraro kaloo kaga yimaada Al-shabaab.

Saraakiisha Ciidamada doowlada eek u sugan shabeelada dhexe ayaa ka gaabsaday ineey faah faahin ka bixiyaan weerarka Aylshabaab kusoo qaadeen garoonka diyaaradaha Jowhar.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here