Dagaal ka dhacay duleedka Garbahaareey

Dagaal u dhaxeeyey ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo Al Shabaab ayaa xalay saqdi dhexe ka dhacay deegaanka Tuula Barwaaqo oo 20 km u jirto magaalada Garbahaareey.

Dagaalka oo laga maqlayey meelo badan oo caasimada gobolka Gedo ah iyo hareeraheeda ayaa ka danbeeyey marki ay Shabaabka weerar ku qaadeen saldhig ay ciidanka dowlada ku leeyihiin deegaankaasi.

Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, hase yeeshee waxaa soo baxaya warar sheegaya in ay jirto dhimasho iyo dhaawac soo kala gaartay dhinacyada dagaalamay.

Xaalada ayaa saakay dagan, waxaana goobta lagu dagaalamay gacanta ku haya ciidamada dowlada KMG Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.