Dagaal ka dhacay duleedka Dhuusamareeb

3 ruux ayaa ku dhimatay 4 kalana dhaawac ayaa kasoo gaaray kadib marki laba maleeshiyo beeleed ay ku dagaalameen deegaanka Gadoon ee gobolka Galguduud.

Dagaalka ayaa salka ku haya aano qabiil sida ay sheegayaan wararka, waxaana xoogiisa uu dhacay saakay sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah waxaana uu soo gaaray duhurti maanta.

Saraakiil ka tirsan Ahlu Sunna oo goobta gaartay ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in ay kala celiyaan maleeshiyaadki halkaasi ku dagaalamay, hase yeeshee wali ma aysan bilaabin waan waan.

Odayaasha dhaqanka labada dhinac ayaa ku baaqay xabad joojin iyo in si dag dag ah loo joojiyo colaadka ka bilaabatay halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here