Dagaal ka dhacay duleedka degmada Luuq

Dagaal ayaa xalay ka dhacay duleedka degmada Luuq kaasi oo dhex maray ciidamada dowlada iyo kuwa Ahlu Sunna iyo Al Shabab.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalka uu qasaaro kasoo gaaray dhinacyadi dagaalamay, hase yeeshee lama oga qasaaraha dhabta ah ee soo kala gaaray qeybaha dagaalamay.

Xaalada ayaa dagan maanta, balse waxaa la dareemayaa dhaq dhaqaaqyo ay wadaan ciidamada dowlada iyo kuwa Ahlu Sunna oo ka dhan ah Al Shabab.

Dagaalka ayaa kusoo beegmay xilli dhiilo colaadeed laga dareemayo gobolada ka mid ah gobolka Galguduud oo ay wadaan ciidamada dowlada iyo ciidamo Itoobiyaan ah kuwaasi oo ku wajahan Al Shabab.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.