Dagaal ka dhacay duleedka Celbuur

Wararaka naga soo gaaraya gobolka Galguduud ayaa sheegaya in barqanimadi maanta uu dagaal xoogan ku dhexmaray duleedka degmada Ceelbuur ciidamada Itoobiya iyo Ahlu Sunna oo isku dhinac ah iyo Al Shabaab.

Dagaalka ayaa ka danbeeyey marki ay Shabaabka jidka u galeen kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamada isgarabsanaya, waxaana wararku ay intaasi ku darayaan in labada dhinac ay mudo halkaasi ku dagaalameen.

Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, hase yeeshee mudo nusa saac ah kadib ayuu istaagay, waxaana u suura gashay ciidami s kaashanayey in ay gudbaan.

Sarkaal ka tirsan Ahlu Sunna oo lagu magacaabo C/wali Siyaad ayaa sheegay in ay iska caabiyeen oo ay dhaafeen kooxo uu ku tilmaamay qas wadayaal.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al Shabaab oo ku saabsan dagaalkaasi, hase yeeshee dagaalkaan ayaa ka mid ah dagaalada ku dhifoo ka dhaqaaqda ah ee ay Shabaab ku qaadaan ciidamada dowlada iyo xulufadooda.