Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo

Dagaalo u dhaxeeyey ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Al Shabaab ayaa xalay ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo.

Dagaalka oo bilowday fiidkii ayaa ka danbeeyey marki ay Al Shabaab weerar ku qaaden fariisin ay ciidamada dowlada ku leyihiin koontarool 12-km dhanka galbeed kaga beegan magaalada.

Laakin gudoomiyaha gobolka Bay ee dowlada KMG Soomaaliya C/fataax Geeseey ayaa ku sheegay dagaalkaasi howlgal ay ciidanka dowlada ku qaadeen maleeshiyo ka tirsan Al Shabaab oo uu sheegay in ay halkaasi ku dhuumaaleysanayeen.

Sarkaal u hadlay Al Shabaab ayaa sheegtay in ay weerar ku qaadeen magaalada Baydhabo, hase ahaatee dadka deegaanka ayaa sheegaya in aysan maqlin wax rasaas ah xalay.

Dhanka kalana askari ka tirsan ciidanka dowlada KMG Soomaaliya ayaa ku dilay gudaha magaalada askari kale, waxaana saraakiisha amaanka ay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen askarigi gacan ku dhiiglaha ahaa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.