Dagaal ka dhacay duleedka Baladxaawo

Dagaal u dhaxeeyey ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa AL Shababa ayaa maanta ka dhacay duleeedka maagalada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa ka danbeeyey kadib marki dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab ay wadada u galeen kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamada dowlada oo kusii jeeday magaalada Baladxaawo.

Sarkaal u hadlay ciidamada dowlada ee gobolka Gedo ayaa sheegay dagaalka uu kaga dhintay hal askari sidoo kalana uu kaga dhaawacmay mid kale, dhanka Al Shabaab wali lama oga qasaaraha kasoo gaaray.

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihi lasoo dhaafay ay ciidamada dowlada dhaq dhaqaaqyo ka wadeen deegaano ka tirsan gobolka Gedo gaar ahaan magaalada Bardheere iyo hareeraheeda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here