Dagaal ka dhacay duleedka Afmadow

Dagaal culus ayaa ka dhacay deegaanka Niido oo ka mid ah deegaanada hoos yimaada Afmadow kaasi oo dhexmaray ciidama Kenya oo kaashanaya kuwa Dowlada iyo Al Shabaab.

Dagaalka ayaa ka danbeeyey marki ay Al Shabaab weerareen saldhig ay ciidamada Dowlada iyo kuwa Al Shabab ka sameysteen duleedka Niido oo ay horay u heysanjireen Al Shabaab.

Sarkaal u hadlay ciidamada Dowlada ee halkaasi ku sugan ayaa sheegay in xaalada ay haatan dagantahay dibna u celiyeen kooxihi soo weeraray.

Niido ayaa ah deegaanki ay Jimcihi lasoo dhaafay ciidamada Kenya ku lumiyeen askar ka tirsan kadib marki ay dagaal culus kala kulmeen dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab.

Ciidamada Kenya oo hada wata magaca AMISOM ayaa doonaya in ay qabsadaan magaalada dakada leh ee Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here