Dagaal ka dhacay degmada Ceelbuur

Dagaal iyo duqeymo u dhaxeeya Al Shabaab iyo Ahlu Sunna iyo ciidamada Itoobiya ayaa saacadihi lasoo dhaafay ka dhacay degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud.

Weerarka oo intiisa badan ahaa duqeymo ayaa bilowday xalay saqdi dhexe sida sheegayaan wararka aanu halkaasi ka heleyno, iyadoo marki danbana ay Shabaabka weerar toos ah ku qaadeen deegaanka.

Laba ruux ayaa la xaqiijiyey in weerarkaasi ay ku dhaawacmeen oo labaduba ka tirsanaa maleeshiyaadka Ahlu Sunna Waljamaaca.

C/wahaab Yaasiin  oo ah sarkaal ka tirsan maamulka Ahlu Sunna ayaa sheegay in ay iska caabiyeen kooxihi soo weeraray xaaladuna ay tahay iminka mid caadi ah.

Waa marki ugu horeysya oo ay Al Shabaab weeraro ku qaadaan halkaasi tan iyo marki ay ka qabsadeen Ceelbuur ciidamada Itoobiya iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca todobaadki hore.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.