Dagaal ka dhacay deegaanka Tuulo Barwaaqo ee gobolka Gedo

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in galabta uu dagaal culus ku dhex maray deegaanta Tuulo Barwaaqo oo u dhaw magaalada Garbahaareey ciidamada dowlada iyo Ahlu Sunna oo isku saf ah iyo Al Shabaab oo dhinac kale ah.

Ugu yaraan 4 ruux ayaa ku dhimatay dagaalka oo sadex ka mid ah ay ahaayeen dagaalyahanada Al Shabaab sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada dowlada KMG Soomaaliya.

Afhayeenka Ahlu Sunna ee gobolka Gedo, Sheekh Maxamed Xuseen Al Qaadi ayaa sheegay in dagaalka uu ka danbeeyey marki ay weerareen dagaalyahano ka tirsan Shabaab oo ay lagu soo wargeliyey in ay gaadiid ka yimid Balad Xaawo halkaasi ku qash qashaadayeen.

Wuxuu beeniyey in dhankooda loogaga dilay askar isaga oo ku adkeystay in ay ku dileen dagaalka sadex ka mid ah dagaalyahanada Al Shabaab sida uu sheegtay.

Gobolka Gedo ayaa waxaa wali iskula sugan Al Shabaab iyo dowlada, caasimada iyo gobolo kale waxaa heysta dowlada halka degmooyinka Baardheere iyo Buurdhubo ay maamulaan Shabaab.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.