Dagaal ka dhacay deegaanka Hoosingo ee gobolka J/hoose

Iska hor imaad u dhaxeeyey ciidamada Kenya oo kaashanaya kuwa dowlada KMG Soomaaliya iyo Al Shabaab oo dhinac kale ah ayaa xalay ka dhacay deegaanka Hoosingo oo ka tirsan degmada Badhaadhe gobolka J/hooe.

Dagaalka ayaa ka danbeeyey marki maleeshiyaadka Al Shabaab ay weerar ku qaadeen faariisin ay ciidanka Kenya iyo kuwa dowlada ku leeyihiin duleedka magaalada.

Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka, hase yeeshee labada dhinac ayaa guulo ka kala sheegtay, iyadoo dhan walba uu sheegay in ay qasaaro xoog leh gaarsiiyey cadawgiisa.

Deegaanka Hoosingow ayaa maalmahan ka nabadoonaa dagaalada, waxaana ay noqneysaa marki ugu horeysay oo ay ku dagaalamaan labadaasi dhinac tan iyo bishi lasoo dhaafay.

Ciidamada Kenya oo horaanti bishaan isu badalay ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa Soomaaliya (AMISOM) ayaa ujeedkoodu yahay in ay qabsadaan magaalada dekeda leh ee Kismaayo.

AL Shabaab ayaa dagaalo kala hortagay Kenya, waxaana taasi ay keentay in Kenyanka aysan u gudbin magaalada Kismaayo oo ay haatan u jiraan wax ka yar 150km.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.