Dagaal ka dhacay Afgooye

Dagaalka u dhaxeeyey ciidamada Dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa xalay ka dhacay degmada Afgooye eegobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka ayaa ka danbeeyey marki Al Shabab ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin koontaroolka Baar Ismaacil ee magaalada laga soo galo iyo dugsigi sare ee Afgooye.

Inkastoo aanan la ogeyn qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka hadana waxaa la sheegayaa in dhinacyada dagaalamay ay soo gaareen qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiisha ciidamada dowlada ee ku sugan Afgooye ayaa sheegay in ay iska caabiyeen kooxo soo weeraray xalay, dhanka Shabab ma jiro wax war ah oo kasoo baxay oo ku aadan dagaalkaasi.

Dagaalki xalay ayaa ahaa kii ugu horeeyey oo gudaha magaalada la magalo tan iyo marki ay ciidamada dowlada halkaasi qabsadeen.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here