Dagaal Iminka ka Qarxay Duleedka Kismaayo

Dagaal xooggan oo u dhexeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya, Raaskaambooni iyo kuwa Kenya oo isku dhan iyo Shabaab ayaa daqiiqado ka hor waxaa uu ka qarxay deegaanka Janaa-cabdalle ee gobbolka Jubbada Hoose.

Dagaalkaan oo aad u xooggan ayaa waxaa soo qaaday dagaalyano ka tirsan Shabaab kuwaasi oo soo weeraray deegaanka Janaa-cabdalle oo ay dhowaan la wareegeen Ciidamada huwanta ah.

Dagaalka hadda si xooggan ayuu ku socdaa, lamana ogaan karo khasaaraha dagaalka.

Deegaanka Janaa-cabdalle waxaa uu 60-KM u jiraa magaalada Kismaayo, waxaana deegaankaasi dhowaan lagala wareegay Al shabaab.

Ilaa iyo hadda warar rasmi ah kama soo bixin khasaaraha ka dhashay dagaalka iyo goobaha ay kala joogaan dhinacyada dagaalamday maanta.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here