Dagaal haatan ka socdo degmada Matabaan

Dagaal culus ayaa haatan ka socdo degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan kaasi oo u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan Dowlada KMG Soomaaliya.

Dagaalka ayaa ka danbeeyey marki ciidamo ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan ay saakay qabsadeen magaalada isla markaana ka saareen halkaasi ciidamo horay u joogay oo ka tirsanaa maamulka Ahlu Sunna ee dhawaan ku biiray Dowlada KMG.

Sida ay wararku sheegayaan dagaalka xoogiisa ayaa bilowday ka gadaal marki ciidamadi laga qabsaday Matabaan ay gurmad ka haleen ciidamo kale oo kasoo baxay degmada Guriceel.

Dagaalka ayaa wali socda lamana oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, iyadoo dadka deegaanka ay qaaar ka carareen magaalada qaarna ay hoosta kasoo xirteen guryahooda.

Degmada Matabaan ayaa ka tirsan gobolka Hiiraan hase yeeshee dadka deegaanka ayaa kasoo jeeda gobolka Galguduud.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here