Dagaal haatan ka socda magaalada Buu Hoodle iyo ciidanka Somaliland oo gudaha ugu jira

Wararka naga soo gaaraya magaalada Buu-Hoodle ee xarunta gobolka Ceyn ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu haatan ku dhex marayo maamulka Somaliland iyo maleeshiyo kasoo jeedo deegaanka.

Dagaalka oo bilowday saakay ayaa waxa uu ka danbeeyey marki ay weerar qorsheysan ku qaadeen ciidanka maamulka Somaliland magaaladaasi, waxaana hada la maqlayaa dhawaqa madaafiicda culus oo ay is weydaarsanayaan labada dhinac.

Wararka waxay sheegayaan in ciidanka Somaliland uu gudaha ugu jiro magaalada Buu-Hoodle dagaalkana uu ka socdo qeybo ka mid ah magaalada sida ay inoo xaqiijiyeen dad kala duwan oo aan la xiriirnay.

Magaalada ayaa dhinac ka mid ah hada gubaneyso, waxaana loo maleynayaa qeybta suuqa shidaalka in uu madfac ku dhacay.

Dadka ayaa intooda badan ka barakacay iyaga oo u cararay dhinaca xadka dalka Itoobiya si ay uga baxsadaan madaafiicda.

Arintan ayaa ka danbeysay kadib shirki magaalada Taleex oo laga soo saaray in gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn ay noqdaan maamul goboleed ka madax banaan Somaliland isla markaana taageersan dowlada Soomaaliya.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxmoud (siilaanyo) ayaa qudbad uu shalay ka jeediyey Hargeysa wuxuu ku sheegay in aysan aqbali doonin in la kala qeybiyo midnimada Somaliland, isaga oo ku tilmaamay shirki Taleex shir xaaraan ah.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.