Dagaal ka bilowday degmada Baardheere

Dagaal aad uxoogan una dhaxeeya ciidamada dowlada KMG oo ay taageerayaan ciidamada Kenya iyo kuwa Al-shabaab ayaa goor dhoweyd kaqarxay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Dad deegaanka ayaa sheegaya in ay maqlayaan madaafiic iyo rasaas iyadoo durbaba la sheegayo in uu jiro qasaaro soo kala gaaray dhinacyada dagaalamada.

Labada dhinac ee dirirta udhaxeeyso ayaa waxa ay adeegsanayaan hubka culculus iyo kan fudfudud iyadoo hugunka madaafiicdana laga maqlayo guud ahaan magaalada oo dhan.

Afhayeen shalay u hadlay ciidamada AMISOM ayaa waxa uu sheegay ineey howl galo xogan kasameeyeen deegaanka lagu magacaabo “Toog” isla markaasna ay kudileen 4katirsn dagaalyahanada Al-shabaab, sidookalena ay kalawareegeen hub iyo gaadiid dagaal.

ilaa iyo hada majiro war kasoo baxay dhanka Al-shabaab.

Dagaaladan ayaa kusoo aadaya xili ay Al-shabaab sheegeen ineey badaleen xeeladooda dagaal isagana baxeen magaalooyin kamid ah Gedo iyagoo ubadalay ku dhufo oo ka dhaqaaq.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here