Dagaal goordhow ka qarxay Balad-xaawo

Breaking-News53-300x168Wararka naga soo gaaraya B/xaawo ee Gobolka Gedo, ayaa sheegaya, in goordhow uu halkaas ka qarxay dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan DF iyo maamulka KMG ah ee Jubba.

Ciidamo wata magaca Ahlusuna oo kayimid dhinaca Dooloow, ayaa lagu soo waramayaa ineey soo dageen meel duleedka ka ah degmada Baladxaawo.

Goob joogayaal, ayaa noo xaqiijiyay, in dagaalka xoogiisa uu hada ka soconaya Gudaha magaalada, islamarkasna dadkii daganaa halkaas ay goor hore isaga carareen.

Todobaadyadii lasoo dhaafay ayaa waxaa degmada Balad-xaawo ka taagnaa muran u dhexeeya maamulka degmada iyo maamulka Doolow ee saakay duullaanka ku qaaday degmadaas, iyadoo la isku af-garan waayay dib u heshiisiin la waday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here