Dagaal goor dhaweyd ka bilowday gudaha magaalada Ceelbuur

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa goor dhaweyd gaaray magaalada Ceelbuur oo xarun u aheyd Al Shabaabka Galguduud, iyadoo haatan lasheegayo in dagaal ka socdo magaalada.

Ciidanka Ahlu Sunna ayaa gudaha u galay magaalada halka ciidamada Itoobiya ay ku suganyihiin banaanka iyo daafaha magaalada sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ahlu Sunna.

Dagaal aanan badneyn ayaa lagu soo waramayaa inuu ka socda koonfurta magaalada halkaas oo ay isku hayaan ciidamada Shabaab iyo kuwa Ahlu Sunna, walina lama oga qasaaraha ka dhashay.

Dadka degmada Ceelbuur ayaa intooda badan shalay ka barakacay magaalada waxaana ay u baxsadeen deegaanada dariska la ah, sidoo kale Shabaabka intiisa badan gaar ahaan madaxda ayaa isaga baxay shalay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.