Dagaal geystey qasaaro oo ka qarxay duleedka degmada Cabudwaaq.

Wararka ka imanaya degmada Cabudwaaq ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in iska horimaad hubeysan uu ka qarxay duleedka degmada Cabduwaaq.

Iska horimaadkan ayaa la sheegay in uu u dhexeeyo kooxo soo kala horjeeda iyadoo aan la ogeyn sababta keentay dagaalkan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu sababay qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac balse illaa iyo hadda aan si sax ah loo ogeyn qasaaraha uu geystey dagaalkan.

Wararka ayaa sheegaya in laga yaabo in dagaalkan uu la xiriiro dil saaka ka dhacay deegaan ka mid ah degmada Cabudwaaq oo lagu magacaabo Laandheer iyadoo halkaasi lagu diley labo ruux oo uu ka mid ahaa nabadoon caan ka ahaa gobolka Galguduud.