Dagaal fool ka fool ah iyo duqeyn ka socota degmada Deyniile

Waxaa sii xoogaysanaya marba marka ka dambaysa dagaalo iyo duqeyn ilaa xalay iiyo saaka ka socotay degmada Deyniile iyo deegaanada loo barakacay.

Wararka waxa ay sheegayaan in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ay la kulmeen weerar iska caabin ah oo ay ku soo qaadeen dagaalyahanada Alshabaab xilli ay diyaargarow ku jireen, hase yeeshee illaa iyo hadda lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka saaka dib ugaga soo cusboonaaday magaalada Muqdisho.

Dowlada kumelgaarka ah ayaa sheegtay inay u xirtey wadada laamiga ah ee isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgoye si loogaga hortago waxyeello soo gaarto dadka rayidka ah.

Ciidamada Amisom iyo kuwa dowlada kumeelgaarka ah ayaa badanaa waxa ay weerarada soo qaadaan maalinta Jimcaha iyadoo aan la ogeyn sababta dhabta ah ee dagaaladooda ugu soo beegaan maalinta jimcaha ah.

Sarkaal u hadlay ururka Alshabab ayaa sheegay inay dib u caabiyeen weerar ay doonayeen inay ku soo qaadaan degmada Deyniile ciidamada Amisom iyo kuwa dowlada.