Dagaal faraha loogaga gubtay oo ka dhacay degmada Luuq

Dagaal u dhaxeeyey ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowlada oo isku dhinac ah iyo Al Shabaab ayaa xalay iyo saakay ka dhacay degmada duleedka degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Dagaalka oo socday in ka badan 4 saacadood oo xiriir ah ayaa ka danbeeyey marki ay Al shabaab weerareen saldhig ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowlada ku leeyihiin meel u dhaxeysa Bardaale iyo Luuq ee gobolada Gedo iyo Bay.

Goob joogayasha ayaa sheegaya in ay maqlayeen xalay oo dhacan madaafiic culus oo ay labada dhinac is weydaarsanayeen, waxaana soo baxaya warar is qilaafsan oo ka hadlaya qasaaraha dagaalka.

Warar aanan la xaqiijin ayaa sheegaya in dagaalkaasi ay ku dhinteen 7 ruux oo labada dhinac ah isla markaana ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Xaalada ayaa haatan dagan waxaana dib u laabtay xoogagi Al Shabaab ee weerarka ku qaaday saldhigyada ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.