Dagaal faraha looga gubtay oo xalay ka dhacay Xudur

Ku dhawaad 10 ruux ayaa ku geeriyootay kadib marki uu dagaal xoogan xalay ku dhexmaray magaalada Xudur ee gobolka Bakool ciidamada dowlada KMG oo kaashanya kuwa Itoobiya iyo Al Shabaab.

Dagaalka ayaa ka danbeeyey marki ay Al Shabaab weerar ku qaadeen Xudur xilli ay ciidamada Itoobiyaanka difaac uga jireen duleedka magaalada, waxana wararku ay sheegayaan in uu halkaasi ka dhacay dagaalo mudo socday.

Gudoomiyaha gobolka Bakool ee dowlada KMG Soomaaliya, Maxamed Macalin Axmed ayaa sheegay in dagaalka ay ku dileen lix ka mid ah dagaalyahanada Al Shabab oo uu sheegay in ay meydkooda usoo bandhigi doonaan saxaafada.

Waxa kale oo uu shegay in dadka rayidka ahna uu kasoo gaaray qasaaro kadib marki ay xabad wiifta ah ku dhacday haweeneey oo ay ku geeriyootay, halka uu beeniyey inuu jiro qasaaro dhankooda soo gaaray.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Al Shabaab oo ku aadan dagaalki xalay ka dhacay degmada Xudur.

Degmada Xudur ayaa waxaa maamula dowlada KMG Soomaaliya, iyadoo waardiyana ay ka hayaan ciidamo Itoobiyaan ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.