Dagaal faraha looga gubtay oo Galguduud ku dhexmaray Shabab iyo Ahlu Suna

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galguduud ayaa sheegaya in dagaal xoog leh uu maanta ka dhacay gobolka Galguduud kaasi oo dhex maray Al Shabaab iyo Ahlu Sunna.

Dagaalka ayaa ka dhacay inta u dhaxeyso magaalada Ceelbuur iyo deegaanka Wabxo ka gadaal marki ay Al Shabaab wadada u galeen gaadiid baabuur ay la soccdeen Ahlu Sunna.

Sheekh Geedaqorow oo ka tirsan saraakiisha Ahlu Sunna ayaa sheegay in ay iska caabiyeen kooxo soo weeraray, hase yeeshee muusan sheegin wax qasaara ah.

Wariyaasha ku sugan Galguduud ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhinteen 7 ruux oo labada dhinac ah halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Al Shabaab ayaa maalmahan weeraro ka waday deegaanada u dhaw dhaw magaalada Ceelbuur oo ay maamulaan Ahlu Sunna iyo ciidamo Itoobiyaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.