Dagaal dib uga qarxay Suuj & Al-shabaab oo gurmad hor leh heshay

The BBC cannot independently verify the photos released by al-Shabab of the el-Ede attack
The BBC cannot independently verify the photos released by al-Shabab of the el-Ede attack

Xog Cusub oo aan ka helnay dagaalka ka socda deegaanka SUUJ gobalka Nugaal ee Puntland ayaa sheegaya in kooxda alshabaab ee halkaasi ka dagaalamaya ay heleyn gurmad xoogan sida laga soo xigtay sarkaal Puntland katirsan.

Sargaalkaasi oo magaciisa ku sheegay Yuusuf C/llahi, ayaa xaqiijiyay in xogta ay hayaan ay muujineyso in 15 gaadiidka dagaalka ee loo yaqaan Cabdi-bilaha ay soo gaaren maleeshiyaadka kuwaasi oo xalay kasoo gudbay deegaanka Wisil ee Gobolka Mudug, gaar ahaan dhinaca Galmudug.

Yuusuf C/llahi oo ku sugan jiida dagaalka, ayaa tilmaamay in goobjoogayaal ku sugan Garacad ay kusoo wargaliyeen in deegaanka ay soo galeen maleeshiyaad gaadiid ku hubeysan kuwaasi oo si weyn looga hadal hayo Garacad iyo deegaanada kale.

Qaar kamid ah maleeshiyaadkaasi ayaa iminka ku sugan Deegaanka Cammaara oo u dhexeeya Garacad iyo Hobyo, kuwaas oo mararka qaarkood isticmaalaya Anteenada isgaarsiinta deegaanka Garacad, sida uu Sargaalka cadeeyay.

Dagaal Culus ayaa shalay Xalay ilaa saaka ka socda deegaanka Suuj waxaana dagaalkaasi lasheegaya in lagu wiiqay Awooda Alshabaab inkastoo ay soo baxayaan Wararkaan ku saabsan in uu gurmad soo gaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here