Dagaal dhimasho keenay oo ka dhacay Marka

Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee xarunta gobolka shabeellaha hoose, ayaa sheegaya in maanta uu dagaal ku dhexmarey ciidamo ka wadatirsan dowladda duleedka magaaladaas.

Sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha dagaalka ayaa la sheegay in uu ka billowday markii la damcay in maleeshiyo deeganka ah lagu daro ciidamada dowladda, kuwaasoo ku sugnaa magaalada, maadama horrey loo sheegay in lagu darayo ciidanka booliska.

Inta la ogyahay seddax qof ayaa ku dhintay lix kalena waa ay ku dhaawacmeen sida ay lee yihiin ilaha madaxa banaan ee ku sugan magaalada.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu magaalada dhan ka dhigay mid xaaladeeda tahay kacsanaan, waxaana istaagay ganacsigiisa iyo isku socodka dadka iyo gaadidka, waxaana magaalada loo diray ciidamo badan.

Guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Hoose, Cabdulqadir Sheikh Mohamed Siidii oo la hadlay idaacadda VOA ayaa sheegay in iska hor imaadka uu ku dhaawacmay taliye ka tirsan ciidamada milateriga Soomaaliya.

Wuxuunta intaas ku daray in xaaladda magaalada ay deggan tahay, oo isaga iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan gobalka Shabeellaha Hoose ay gaareen, isla markaana ay kala qaadeen ciidamadii dagaalamay.

Dadka dhaawacmay ayaa la sheegay in la dhigay isbitaalka magaalada Marka, halkaasoo hadda lagu daweynayo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here