Dagaal xalay ka dhacay duleedka Kismaayo

Duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose wararka aan ka helayno ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowlada iyo Alshabaab uu ka dhacay halkaasi.

Deegaanka Buulo-gaduud oo ka mid ah deegaanada gobolka Jubbada Hoose ayuu dagaalka ka dhacay waxaana uu ka dambeeyay ka dib markii ciidamada dowlada weerarka ay ku qaadeen fariisin Alshabaab ay lahaayen.

Dhimasho iyo dhaawac soo kala gaartay dhinacyada dagaalamay iyo dadka deegaanka ayaa lasoo sheegayaa inuu ka dhashay dagaalka ka dhacay deegaanka Buulo-gaduud.

Sida wararka aan ku helayno dagaalka dhaawacyadii kasoo gaaray dhanka dowlada iyo dadka shacabka ah ayaa loo qaaday isbitaalka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Ma jiro labada dhinac ee ku dagaalamay halkaasi wax hadal ah oo kasoo baxay oo ay kaga hadlayaan

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here