Dagaalo Culus oo ka Socda Jubbada Hoose iyo Diyaarad Dagaal oo La Soo Riday

Wararka naga soo gaarayo Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Dagaalo aad u Culus iyo Duqeymo ay kasoconayaan Deegaanka Biibi oo Duleedka ka ah Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Dagaalka oo ah mid qaraar ayaa kasoconaya Deegaanada Biibi iyo Harboole waxaan weerarka Maanta sida Wararka ku heleyno soo qaaday Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo Kuwa Kenya oo wada jira iyo Dhinaca Dagaalyahanada Al-Shabaab oo dagaal culus kala horjeeda Ciidamadaasi Huwanta ah.

Dagaalka waxaa ka qeyb qaadanaya Diyaaradaha Dagaalka Kenya kuwaa oo Duqeymo Culus ku garaacaya baraha ay labada dhinac ku dagaalamayaan gaar ahaan aagaga Dagaalyananada Al-Sahbaab ka dagaalamayaan oo lasoo Warinayo in gantaalo Diyaaradaha ku garaacayaan.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa war goordhaw lagu faafiyay barahooda Internetka waxa ay ku sheegeen in ay soo rideen mid kamid ah Diyaaradaha Dagaalka Kenya oo ka qeyb qaadanayay Duqeynta Maanta.

Diyaaradan Shabaab soo rideen ayaa lagu sheegay in ay tahay Nuuca Helocopterka ,waxaana lagu soo waramayaa in Shabaab la heleen Gantaal sidaana ay kusoo dhacday .

Ma jiraan Sheegashada Al-Shabaab ee ku aadan soo riditaanka Diyaaradan Helicopterka Saraakiil katirsan Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo ka hadlay.

Sikastaba Xaalada ayaa ah wali mid cakiran Dagaalka labada Dhinac u dhaxeeya ayaa ah mid aad u culus oo kusii fidaya deegaano hor leh mana jiraan Wax war ah ay labada Dhinac kasoo saareen Dagaalka Wali soconaya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here