Dagaal culus oo ka dhacay Xudur

Dagaalo faraha looga gubtay oo u dhaxeeyay ciidamada dowlada oo kaashanaya Itoobiyaan iyo Al Shabab ayaa ka dhacay magaalada Xudur.

Sida wararku sheegayaan dagaalada ayaa ahaa kii labaad oo muddo labo todobaad gudahood ka dhaca degmada Xudur, iyadoo Al-Shabaab ay qaadeen weeraro xoogan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka muddo saacado ah gudaha uu ka socday, markii dhinacyada dagaalamayay ay isla galeen, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo ku aadan qasaaraha dagaalka.

Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid qorsheysan oo ay dhowr jiho kaga qaadeen, isla markaana ay ku dileen askar badan oo isugu jirta Itoobiyaan iyo ciidamada dowladda.

Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Bakool Maxamuud Cabdinuur ayaa sheegay in dagaalka ay soo qaadeen Shabaab, hase ahaatee ay iska caabiyeen, isagoo xusay in qasaare xoog leh ay gaarsiiyeen.

Isgaarsiinta ayaa wlai ka go’an degmada, taasoo sida la sheegay hawada laga saaray, shalay gelinkii dambe oo Al-Shabaab ay dagaalka ku qaadeen.

Dagaalkan ayaa noqonaya kii labaad oo Al-Shabaab degmada ku qaadaan, waxaana dagaalkii hore uu ahaa mid Al-Shabaab qasaare xoogan lagu gaarsiiyay dagaalyahano looga dilay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here