Dagaal Culus oo ka Dhacay Duleedka Janaay Cabdalle ee Gobbolka Jubbada Hoose

Wararka ka imaanaya Gobalka Jubadda Hoose ayaa waxa ay sheegayan in dagaal xoogan uu maanta halkaasi ka qarxay.

Dagaalka ayaa ayaa ka dib markii Ciidamada huwnata ah ay u soo dhaqaaqeen dhanka magaalada Kismaayo, iyagoona weerar ku soo qaaday deegaanka Janaacabdalle oo ay fariisimo ku lahaayeen Al shabaab

Xabada xoogeeda ayaa ka socota meel lagu magacaabo qalawilaa oo ku yaala duleedka deegaanka Janaacabdalle.

Xaalada ayaa aad u kacsan, waxaana dhawaqa rasaasta uu yahay mid si xooggan looga maqlaayo Janaa-cabdalle.Khasaare badan oo dagaalka ka dhashay, inkastoo aan ila aiyo hadda si rasmi ah loo heynin tirada

Majirto wax war ah oo kasoo baxay labada dhinac kaasi oo ku aadan dagaalka maanta ka dhacay Gobalka Jubadda Hoose.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.co
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here