Dagaal Culus oo ka Dhacay Baled-Xaawo iyo Al-shabaab oo Gacanta ku Dhigay Degmada

Dagaal xoogan ayaa goor dhow ka dhacay Degmada Baled Xaawo ee Gobolka Gedo, kaasoo u dhexeeyay Ciidamada Dowlada iyo Xoogaga Alshabaab.

Dagaalka ayaa ku bilowday madaafiic culus iyo Rasaasta fudud, waxaana Alshabaab ay ku qaadeen Magaalada Baled Xaawo.

Alshabaab oo ku soo talo galay dagaal xoogan ayaa gudaha u galay Magaalada, waxayna ka saareen Ciidamadii Dowlada Soomaaliya.

Ciidamada Dowlada ayaa isaga baxay magaalada, marki ay gudaha u soo galeen alshabaab, iyagoo ku baxay dhanka Degmada Dooloow Soomaaliya.

Xoogaga Alshabaab ayaa ku sugan Gudaha Magaalada Baled Xaawo, waxaana la arkayaa ciidamo aad u badan oo shabaab ah, kuwaasoo gaaf wareegaya magaalada.

Dagaalka ayaa laga cabsi qabaa inay ku soo biiraan Ciidamada Kenya iyo Itoobiya kuwaasoo daneynaya inay magaalada dib uga saaraan Alshabaab.

Maamulka Alshabaab ayaa hada ka shaqeynaya magaalada, halka kuwii dowlada laga saaray.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco wararka dambe Insha Allaah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here