Dagaal Culus oo Hadda Ka socda Duleedka Magaalada Dhuuso mareeb

breaking-news-file-jpg

Dagaal Xoogan oo udhaxeeya ciidanka AMISOM kuwooda ka socda Dalka Itoobiya oo ay la socdaan Ciidanka Dawlada Soomaaliya iyo Ciidanka Al Shabaab ayaa waxa uu hadda kasocdaa Duleedka Magaalada Dhuuso mareeb ee Gobolka G/gaduud.

Dagaalka waxa uu ka dambeeyey kadib markii Al Shabaab ay wadada ugaleen Kollonyo baabuurta Ciidanka Itoobiya wateen oo kasoo ambabaxay Dhuuso mareeb kuna sii socday Dhinaca degmada Ceel garas.

Waxa la isku adeegasanayaa dagaalkaasi hubka nuucyadiisa kala duwan waxaana la ogaan karin khasaaraha kala gaaray ciidanka dagaalka udhaxeeyo.

Al Shabaab sargaal uhadlay waxa uu sheegay in dagaalka uu socdo muddo ku dhaw Labo Saacadood oo xiriir ah ayna ciidanka Itoobiya ka carareen sida uu hadalka u dhigay Gaari ka mid ah kuwa Dagaalka.

Wixii kasoo kordho dagaalka laga soo sheegayo Dhuuso mareeb dib kala socda insha allah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here