Dagaal caawa ka dhacay waqooyiga Muqdisho

Dagaal ayaa caawa ku dhexmaray ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Al Shabab oo dhinac kale ah qeybo ka mid ah degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa fiidkii caawa ka dhacay aagaga hore ee ay ciidanka dowlada ka joogaan duleedka degmada Kaaraan gaar ahaan xaafada Xaliimo Casir iyo aaga Keeysaneey halkaas oo la isku weydaarsaday madaafiic.

Ilaa iyo 3 ruux oo dhinacyadi dagaalamay ah ayaa la sheegayaa in ay ku dhinteen, inkastoo aanan war sax ah laga heynin tirada rasmig ah.
Sarkaal u hadlay ciidamada dowlada ee jooga degmada Kaaraan ayaa sheegay in dagaalka ay ku qabteen laba dagaalyahan oo ka tirsan Al Shabaab oo uu ku jiro sarkaal.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Al Shabaab oo ku saabsan dagaalka caawa ka dhacay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.