Dagaal caawa ka dhacay degmada Kaaraan

Dagaal xoog leh ayaa caawa ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Dagaalka oo ku bilowday fiidki ayaa ka danbeeyey marki ay dagaalyahano ka tirsan Al Qaacidada Soomaaliya weerar ku qaadeen fariisin ay ciidamada dowlada ku leeyihiin xaafada Xaawa Casir ee degmada Kaaraan.

Taliyaha guutada koowaad ee ciidanka dowlada KMGS Corneel Saneey oo caawa la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay iska difaaceen laba weerar oo ay Al Shabab ku soo qaadeen sida uu hadalka u dhigay.

Mr. Saneey ayaa sheegay in ay ka dileen xoogagi soo weeraray laba ruux halka ay ka dhaawaceen qaar kale oo uusan cayimin.

Xaalada ayaa haatan dagan sida ay sheegayaan dadka deegaanka oo aan la xiriirnay, waxaana haatan ku sugan goobihi lagu dagaalamay ciidamada dowlada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.