Dagaal beeleed ka dhacay deegaanka Xiin-dheere ee gobolka Galguduud

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galguduud ayaa sheegaya in uu dagaal u dhaxeeya laba beelood ka bilowday deegaanka Xiin-dheere.

Dagaalka oo shalay halkaai ka dhacay ayaa u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo walaala ah oo wada dega geenaakaasi oo hoos taga degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud.

Inta la ogyahay sadex ruux ayaa ku dhaawacantay kuwaasi oo ahaa maleeshiyadi dagaalantay, waxaana sida aan xogta ku heleyno dagaalka salka ku haa baraag biyaha laga cabo o halkaasi laga sameeyey.

Labada beel ee dirirtu u dhaxeyso oo ah xoola dhaqato ayaa waxaa la sheegayaa in ay haatan waanw aan ka dhax wadaan Al Shabaab oo maamula deegaanka lagu dagaalamay.

Inta badan dagaal beeleedyada ka dhaca Soomaaliya ayaa ka bilowda ceel biyoo iyo dhul daaqsin, maadaama dadka Soomaalida ay u badan yihin xoola dhaqato iyo beeraleey.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.