Dagaal Baladweyne ka dhacay

Dagaal la isu adeegsaday hubka culus iyo kan fudud ayaa magaalada Baladweyne ku dhex maray ciidamada dowlada KMG Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Itoobiya iyo Al Shabaab oo dhinac kale ah.

Dagaalka oo ka dhacay xaafada H/wadaag ayaa ka danbeeyey kadib marki ay xoogaga Shabaab weerar qorsheysan ku qaadeen saldhig ay ciidamada Itoobiya ku lahaayeen halkaasi.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka, dagaalka ayaa socday daqiiqado waxaase uu aad u cabsi geliyey shacabka magaalada, inkastoo marki danbe ay xabada joogsatay.

Saraakiisha dowlada ee ku sugan magaalada Baladweyne ayaa ku tilmaamay dagaalka mid aanan wax qasaara ah kasoo gaarin xagooda, waxa kale oo ay sheegeen in ay carareen kooxihi soo weeraray.

Si cad looma oga qasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaase lagu tilmaamay dagaal ku dhifoo ka dhaqaaq ah oo ay sameeyeen Al Shabaab.

Magaalada Baladweyne ayaa waxaa maamulka dowlada KMG Soomaaliya oo la wareegtay maalinti ugu horeysay ee sanadkaan 2012.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.